Kooxaha halista iyo eheladooda

Elderly man sitting in a chair talking to a woman

Illustrasjon: Johner/Maskot Bildbyrå AB

Fayruska koroonadu ma dadka qaar ayuu si gaar ah khatar ugu yahay?

Kooxo dadka ka mid ah ayaa halis dheeraad ugu jira in ay si weyn ugu xanuunsadaan cudurka, markaa waxa taas darteed aad u muhiim ah in dadkaasi ku dhaqmaan talooyinka ka hortagga is-qaadsiinta cudurka.

Khatarta ku saabsan in xanuun daran yimaado waxay sii kordhaysaa mar kasta oo qofku sii weynaado iyo marka qofku qabo xannuuno kale, isla markaana khatarta ragga ku imanaysa ayaa ka ka badan ta haweenka. Dadka dhallinyarada ah ee aan qabin xannuuno hore waxa iyagana ku iman kara nooca daran ee cudurka. Waxa halistu sii badataa marka ay qabaan xanuunno hore.

Marka faafitaanka cudurku ku bato bulshada dhexdeeda waxa wacan in dadka cudurka u nugul yareeyaan dhexgalka dadka.

Halis fudud, dhexdhexaad ah ama weyn?

Qiimaynta halistu waa mid heer kooxeed ah, oo maaha mid qof ku saabsan. Dadka hal koox ka wada tirsan ayaa aad u kala duwanaan kara. Haddii loo baahdo waxa wacan in la sameeyo qiimayn skahsiyeed oo lagala tashanayo dhaqtarka, oo lagu qiyaasayo inta ay leeg tahay halista cudurku.

Kooxaha ay halista cudurku u kordhayso si fudud/dhexdhexaad

  • Da’da oo ah 66–80 sanno (iyo weliba inta sii weyn 70 sanno) AMA
  • Da’da  50–65 sanno isla markaana qabo mid ka mid ah cudurradan joogtada ah:
    • xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiiga (wixii aan ahayn dhiigkar si wacan loo xakameeyo)
    • faalig (istaroog)
    • miisaan aad u xad dhaaf ah (BMI ≥ 35kg/m2)
    • macaanka/sonkorowga
    • kelyo-xanuun joogto ah iyo kelyo-istaag
    • Sambab-xanuun joogto ah (wixii aan ahayn neef/xiiq/asma si wacan loo xakameeyo)
    • beer-xanuun joogto ah
    • daaweynta hoos u dhigta difaaca jidhka, tusaale ahaan cudurrada ku saabsan in difaaca jidhku  weerar ku qaado jidhka
    • cudurrada asaasaqa iyo xasuus-luminta

Caadi maaha in dadka ka yar 50 sanno ugu xanuunsadaan covid-19, laakiin kuwa qaba xanuunno aan si wacan loo xakamaynin ama dhowr xanuun oo kala duwan waxa ku iman kara halis dheeraad ah.

Kooxaha ku jira halis weyn

  • Da’da oo ka weyn 80 sanno, AMA
  • Dadka deggan guryaha bukaanka, AMA
  • Qaar ka mid xaaladaha caafimaadka ee aan sahlanayn, kuma xidhna da’da qofku jiro:
    • Xanuun kansar ah oo firfircoon, dawooyinka kansarka (weliba kuwa hoos u dhiga difaaca jidhka,  daweynta shucaaca ee lagu sameeyo sambabada ama daawo-kiimiko) oo la bilaabay ama xilli aan fogayn ka hor la joojiyey. Kansarka dhiiga ayaa wata halis ka badan noocyada kale ee kansarka.
    • Xanuunada nerfeyaasha ama muruqyada ee yaraynaya awooda quficidda ama shaqada sambabada (tusaale ahaan ALS, cerebral parese, Downs syndrom)
    • shaqayn la’aanta difaaca jidhka oo lagu dhashay oo maraysa xaalad aan degganayn oo fududaynaysa in ay yimaadaan infekshanno hawo-mareen oo waaweyn.
    • xanuuno dhiig oo ka kooban unugyo iyo xubno jidheed oo muhiim u ah difaaca jidhka.
    • ku beerid/wareejin dhuux-lafeed ama gelinta xubin jidh oo qof kale laga soo qaaday
    • qaadista HIV oo cabbirka CD4 hooseeyo
    • hoos u dhac weyn oo ku yimi shaqaynta kelyaha ama beerka
    • wax kale, oo ku salaysan qiimaynta dhaqtar

Talooyin ku salaysan halista iyo heerka faafida cudurka

  • Halista cudurka oo fudud/dhexdhexaad ah iyo faafitaanka cudurka oo ku yar bulshada dhexdeeda

Marka faafitaanka cudurku yar yahay waxa ay dadka halista dheeraadka ah ku imanaysaa ay tahay mid fudud u noolaan karaan si la mid ah dadka kale: Safar, shaqo iyo ka qaybgalka qabanqaabooyinka. Laakiin si wacan u ilaali ku dhaqanka talooyinka guud, oo ah:

  • dadka aan kula noolayn/ehel ahayn ka fogow masaafada la soo jeediyo
  • ilaali nadaafadda gacnaha iyo qufaca
  • guriga joog haddii aad xanuunsato

Is weydii in ku dhaqanka talooyinku yahay suurtagal, ka hor intaanad ka qaybgelin firfircooni/qabanqaabo.

  • Halista cudurka oo fudud/dhexdhexaad ah iyo faafitaanka cudurka oo ku badan bulshada dhexdeeda

Marka faafitaanka cudurku ku badan yahay bulshada dhexdeeda waxa wacan in dadka halista cudurka kaga imanaysaa tahay mid fudud ay yareeyaan dhexgalka dadka. Waad la joogi kartaa dadka kuu dhow, laakiin waxa lagu talinayaa in aad labo mitir ka fogaato dhallinyarada dadka waaweyn oo joogay meelo aan dadku la kala fogaanin hal mitir.

Yaree dadka aad u dhawaanayso. Iska dhaaf meelaha dad badan isugu yimaado, sida gaadiidka dadweynaha iyo suuq/weyneyaasha (kjøpesenter), ama meelahaas aad xilliyada dadku ku yar yahay oo aanay ahayn cidhiidhi. Waxa loo baahan karaa in goobta shaqadaada loo diyaariyo qaab waafaqsan arrimahan.

  • Halista cudurka oo badan iyo faafitaanka cudurka oo ku yar bulshada dhexdeeda

Marka faafitaanka cudurku ku yar yahay bulshada dhexdeeda waxa wacan in dadka halista cudurka uga imanaysaa ay aad u sii badan tahay ay yareeyaan dhexgalka dadka. Waad la joogi kartaa dadka kuu dhow, waad safri kartaa oo la joogi kartaa dadka kale sidii caadiga ahayd, haddii adiga iyo dadka kuu dhow si gaar ah u ilaaliyaan ku dhaqanka talooyinka guud ee ku saaban kala fogaanshaha iyo nadaafadda gacmaha iyo qufaca.  Yaree dadka aad aad u dhawaanayso.

Iska dhaaf meelaha dad badan isugu yimaado, sida gaadiidka dadweynaha iyo suuq/weyneyaasha (kjøpesenter), ama meelahaas aad xilliyada dadku ku yar yahay oo aanay ahayn cidhiidhi. Waxa loo baahan karaa in goobta shaqadaada loo diyaariyo qaab waafaqsan arrimahan.

  • Halista cudurka oo badan iyo faafitaanka cudurka oo ku badan bulshada dhexdeeda

Marka faafitaanka cudurku ku badan yahay bulshada dhexdeeda waxa wacan in dadka halista cudurka uga imanaysaa dhexdhexaad tahay ama aad u sii badan tahay in ay yareeyaan dhexgalka dadka. Haddii aad ka mid tahay dadka cudurku ke keenayo halis dheeraad ah oo dhexdhexaad ah ama badan waxa wacan in aad dadka ka dhex baxdo si aad isaga ilaaliso qaadista cudurka inta lagu jiro xaalad noocaas ah.  Waxaad aadi kartaa socod lug ah isla markaana waxaad si caadi ah ula joogi kartaa dadka kuugu dhow haddii iyaguna joojiyaan dhexgalka dadka oo ay markaana caafimaad qabaan.

Waxa wacan in aad labo mitir ka fogaato dhallinyarada iyo dadka waaweyn oo joogay meelo aan dadku la kala fogaanin hal mitir. Waxa wacan in aad si aad u wacan ugu dhaqanto talooyinka ku saabsan nadaafadda gacmaha iyo qufaca.

Sida kalena waxa wacan in lagaa caawiyo soo iibsiga alaabta. Haddii dadka kuu dhow ay dad badan la kulmaan maalintiii, waxa wacan in aad labo mitir ka fogaato iyaga. Haddii ay suurtagal noqon weydo, waxa laga fekeri karaa in la joogo guri kale oo ku meel gaadh ah. Haddii aanay suurtagal ahayn in goobta shaqadaada la waafajiyo baahidaada, waxa wacan in aad ka fekerto in aad xanuun kaga maqnaan karto.

Ma waxa la rabaa in dadka cudurka u nugul ay beddelaan daaweynta u socota?

Haddii aad leedahay balamo ku saabsan kantarool caafimaad iyo baadhitaan waxa wacan in aad haysato balamahaas. Waxannu ku talinaynaa in aad waxba ka beddelin dawooyinka aad qaadato, adiga oo marka hore la tashanin dhaqtarkaaga. Waa muhiim in si wacan loo xakameeyo oo loo daweeyo xanuunka hore ee aad qabto. La xidhiidh dhaqtarkaaga haddii aad qabto su’aalo ku saabsan daaweyntaada.

Talooyin ku socda dadka la talaallay ee ka mid ah dadka cudurka u nugul

Marka si buuxda lagugu talaallay waxaad si weyn uga difaacan tahay covid-19 iyo xanuunka daran ee uu kugu keeni karo, oo waxaad u noolaan kartaa si u sii dhow sidii caadiga ahayd. Talaalku waxa uu si buuxda u shaqaynayaa marka 1-2 toddobaad ka soo wareegto dhammaystirkii tallaalka.  Weli ma la oga inta uu leeg yahay waqtiga talaalku shaqaynayo. Haddii difaacu yaraado waqti kadib, waxa loo baahan karaa tallaal cusboonaysiin ah. Dadka la tallaalay waa in ay ku dhaqmaan xeerarka guud ka hortagga is-qaadsiinta cudurka.

Faahfaahin ku saabsan dadka cudurka u nugul iyo tallaalka (FHI)

Carruurta iyo dhallinyarada ka mid ah dadka cudurka u nugul

Waxa ilaa hadda la arkay in aan carruur badani si weyn ugu xanuunsanin covid-19 oo waana wax mar iyo dhif ah in iyaga la dhigo cisbitaalka. Arrintani way khuseysaa xataa carruurta qabta xanuunno joogto ah

Guud ahaan adduunka waxa laga soo sheegay in carruur aad u tiro yari geeriyootay kaddib markii covid-19 ku dhacay, weliba waxa aad u sii yar carruurta markii hore caafimaad qabtay.

Iskuulka iyo xanaanada carruureed iyo carruurta u nugul cudurka

Waxa jira carruuro qaba xanuunno waaweyn, oo si gaar ah ugu nuglaan kara cudurka, mararkaas oo kale waxa laga fekeri karaa in xanaanada iyo cashar-bixinta iskuulka loogu fududeeyo si waafaqsan xaaladda ilmaha. Caadi ahaan waxa arrintani khuseysaa carruurta qabta cudurro waaweyn oo dadka ku badnayn.