Talooyin iyo xeerar heer qaran ah

Macluumaad Soomaali ah oo ka socda dawladda Norway oo ku saabsan xeerarka, talooyinka iyo soo jeedimaha la xiriira xaaladda covid-19 ee Norway.

Miyaad wax su'aalo ah ka qabtaa ku saabsan covid-19 Agaasinka Caafimaadka Norway taleefanka macluumaadka hadda waa af-Soomaali! Wac 815 55 015, taabo #9+4                                                  

Tijaabo-qaadista iyo calaamadaha cudurka

Calaamadaha fayruska koroonada

Calaamadaha fayrusta koroonadu waxay noqon karaan xummad, qufac, neefsashada oo qofka ku adkaata, madax-xanuun, daal, hoos u dhaca dareemaha dhadhanka iyo urta iyo muruq-xanuun. Cunaha oo qofka xanuuna, sanka oo dareera ama cabudha iyo hindhiso ayaa ka mid noqon kara calaamadaha.

Waxa wacan in aad iska qaado tijaabo haddii aad ka shakisan tahay inaad qabto calaamadaha cudurka koroonada.

Maxaan sameeyaa haddii aan isku arko calaamado?

  • Joog guriga haddii aad xanuunsanayso.
  • Tijaabo iska qaad haddii aad isku aragto calaamadaha koroonada.
  • Gooni uga bax dadka haddii lagaa helo koroona
  • Haddii aad xanuunsanayso oo u baahan tahay caawimo dhaqtar, ama u baahan tahay in dhaqtar ku siiyo talooyin, la xidhiidh dhaqtarka adoo isticmaalaya telefoon ama qaab elektoroonig ah.

Halkee iskaga qaadii karaa tijaabada koroonada?

Iska ayaad tijaabo iska qaadi kartaa adigoo isticmaalaya tijaabada qofku iskii iska qaado. Haddii tijaabadu sheegto in aad qabto covid-19, waa in aad tijaabo PCR ah iskaga soo qaado xarun tijaabo-qaadis oo ku taalla degmada.

Waxa kale oo aad la xidhiidhi kartaa degmadaada si aad tijaabo u dalbato.

Halkan ka eeg bogga degmada aad joogto.  

Goorma ayey wacan tahay in aad tijaabo iska qaado?

  • Qof kasta oo qaba calaamadaha koroonada waxa wacan inuu tijaabo iska qaado. Xataa haddii qofku tallaalan yahay.
  • Haddii aanad tallaalnayn islamarkaana aad u dhawaaday qof laga helay koroona, waxa wacan in aad tijaabo iska qaado.
  • Haddii aad u dhawaatay qof, tusaale ahaan qaraabo ama saaxiib laga helay koroona, waxa wacan in aad tijaabo iska qaado.
  • Haddii tijaabada aad iskaa iska qaaday ay sheegto in cudurka aad qabtid, waxa lagu talinayaa in aad tijaabo PCR ah iska qaadid si aad u xaqiijisid ama u beenisid natiijada.

Haddii cudurka lagaa helo waa in aad gasho gooni-u-bixid (isolasjon).

Haddii aad cudurka qabtid, ama ilmahaagu cudurka qabo, waxa lagugu boorinayaa in aad dadkii u dhawaaday adiga ama ilmaha aad ogeysiiisid kuna boorisid in ay tijaabo iska qaadaan.

Marka aad sugayso jawaabta tijaabada koroonada

Marka aad sugaysid jawaabta tijaabada waxa wacan in aad guriga joogtid ilaa inta aad helayso jawaabta tijaabada koroonaha.  Haddii cudurka lagaa heli, waa in aad gasho gooni-u-bixid,

Tijaabada la qaado marka loo dhawaaday qof cudurka qaba

Waa la joojiyay xerrkii ahaa in karantiil la galo marka loo dhawaado qof cudurka laga helay. Dadka aan tallaalnayn ee guriga la deggan ama si kale ugu dhawaaday (saaxiib, saaxiibad ama marti u hoyatay guriga) qof cudurka laga helay, waxa u wacan in ay dadka kale u dhawaanin 7 maalmo ama ma ay tijaabo isaga qaadaan habka halkan lagu sharraxay.

Nidaamka tijaabo-qaadista dadka aan tallaalnayn ee guriga la deggan ama si kale ugu dhow

Maxaa habboon inaad samaysid haddii adiga ama qof aad u
dhawaatay laga helo covid-19?

Dadka aan tallaalnayn ee guriga la deggan ama si kale ugu dhawaa qof cudurka laga helay waxa wacan in ay tijaabo iska qaadaan sida ugu dhakhsaha badan ka dib marka loo aqoonsaday inuu yahay qof u dhawaaday qof cudurka qaba (u dhawaade). Ka dibna waxa wacan in aad tijaabo iska qaado:

  • maalin kasta muddo 7 maalmo ah adoo iska ska qaadaya tijaabad

ama

  • maalin dhaaf muddo 7 maalmo ah adoo iska qaadaya tijaabo PCR (ku qaad xarunta tijaabo-qaadista ee degmada)

Tijaabo-qaadista dadka kale ee aan tallaalnayn ee u dhawaaday

Dadka u dhawaaday qofka cudurka laga helay ee aan ahayn qaraabada qofka ama dad si kale ugu dhow, ma u baahna in ay maraan nidaamka tijaabo-qaadista, laakiin waxa lagu boorinayaa in ay iskood tijaabo iska qaadaan ama tijaabo iskaga soo qaadaan xarunta tijaabo-qaadista ee degmada.

Dadkani waxay tusaale ahaan ahaan karaan dad shaqeeya qofka ama fasalka iskuulka la aada.

Qofka tallaalan ama covid-19 ku dhacay

Haddii aad tallaalan tahay ama covid-19 kugu dhacay wax ka yar 12 bilood ka hor, ma u baahnid in aad raacdid nidaamka tijaabo-qaadista ee kor lagu soo sharraxay. Waxa wacan in aad la socotid in calaamado kugu yimaadaan oo aad tijaabo iska qaadid haddii aad isku aragtid calaamadaha covid-19.  Haddii cudurka lagaa helo, waa in aad gasho gooni-u-bixid.

Gooni-u-bixid

Haddii lagaa helo cudurka waa inaad gasho gooni-u-bixid.

Haddii aad cudurka qabtid, ama ilmahaagu cudurka qabo, waxa lagugu boorinayaa in aad dadkii u dhawaaday adiga ama ilmaha aad ogeysiiisid kuna boorisid in ay tijaabo iska qaadaan.

Sidee loo sameeyaa gooni-u-bixid?

Waa in aad gasho gooni-u-bixid haddii aad qabto koroona. Xataa haddii aad tallaalan tahay.

Marka aad gooni-u-bixidda ku qaadanayso guriga waxa ku khuseeya:

  • Waa in aad markasta joogtid guriga oo aad dibedda u bixin, laakiin waad joogi kartaa beerta guriga ama barande kuu gaar ah.
  • Ma aadi kartid dukaannada. Waa in dad kale kaa caawiyaan waxaad u baahan tahay.
  • Waa in aad ugu yaraan labo mitir ka fogaatid dadka aad la deggan tahay.
  • Waxa wacan in aad leedahay qol iyo suuli kuu gaar ah haddii ay suurtagal tahay. Isticmaal alaabaha suuliga oo kuu gaar ah, oo ka mid yihiin tuwaalka/shukumaanka.
  • Waa in aad si wacan u ilaaliso nadaafadda gacmaha iyo qufaca si aad cudurka u qaadsiin dadka guriga kula deggan.
  • Marar badan nadiifi guriga, weliba meelaha dadku inta badan taabto.

Meelaha aad joogi karto xilliga gooni-u-bixidda

Waxa aad gooni-u-bixid ku qaadan kartaa guriga, ama meel kale oo joogitaan ku haboon.

Degmada ayaa ka masuul ah in aad hesho meel ku haboon inaad ku qaadato waqtiga gooni-u-bixidda. Haddii degmadu garato in gurigaagu ku haboonayn gooni-u-bixid, waa in degmadu ku siiso hoteel ama meel kale oo haboon. Degmada ayaa bixinaysa kharashka ku baxaya joogista meel aan guriga ahayn.

Joojinta gooni-u-bixidda

Waxaad gooni-u-bixidda joojin kartaa marka 5 maalmo ka soo wareegto markii ay kugu yimaadeen calaamadaha koroonada ee u horreeyey oo aad isla markaana aad xummad la’aan ahayd ugu yaraan 24 saacadood adiga oo aan qaadan dawooyinka xummada yareeya.

Haddii aanad isku arag calaamadaha koroonada waxaad gooni-u-bixidda joojin kartaa marka 5 maalmo ka soo wareegto waqtigii aad iska qaaday tijaabadii koroonada ee cudurka laga helay. Waxa gooni-u-bixidda la joojin karaa xataa marka dadka kale oo guriga deggan ay ku jiraan gooni-u-bixid ama karantiil.

Dadka si buuxda u tallaalan

Dadka cisbitaal ku jira ama isticmaala dawooyin difaaca jidhka hoos u dhiga, waxa dhici karta in muddada gooni-u-bixiddu ka badato inta halkan lagu sheegay.

Halkan ka eeg macluumaad kale oo ku saabsan karantiilka iyo gooni-u-bixidda oo ku qoran afkaaga.

Miyaad difaacan tahay mise si buuxda ayaad u tallaalan tahay?

Waxa laguu arkaa in aad "difaacan tahay"haddii:

  • aad dhammaysatay tallaalka (si buuxda u tallaalan tahay). Eeg qeexidda hoos xigta.
  • aad tallaalka ka qaadatay hal qaadasho, oo 3 ilaa 15 toddobaad ka soo wareegtay markii aad tallaalka qaadatay. Waa in aad Norway joogtay tobanki maalmood ee u dambeeyey.
  • cudurka covid-19 kugu dhacay xilli ka mid ah lixdii bilood ee u dambeeyey.

Waxaad si buuxda u tallaalan tahay marka:

  • aad labo qaadasho ka qaadatay tallaalka, islamarkaana hal toddobaad ka soo wareegay markii u dambaysay ee lagu tallaalay.
  • aad qaadatay tallaal la qaadanayo hal cirbad keliya (Janssen), laga bilaabo marka 3 toddobaad ka soo wareegto xilligii tallaalka.
  • Covid-19 kugu dhacay isla markaana in ka badan hal toddobaad ka hor aad qaadatay hal qaadasho oo tallaalka koroonaha ah. Tallaalka ma qaadan kartid ilaa 3 toddobaad ka soo wareegto markii aad iska qaaday tijaabadii koroonaha ee cudurka laga helay.
  • haddii lagaa helay madooyinka qofka ka difaaca covid-19 islamarkaana aad in ka badan hal toddobaad ka hor aad qaadatay 1 irbad oo tallaal koroona ah

Waa muhiim in aad tijaabo iska qaado haddii aad isku aragto calaamadaha covid-19, inkastoo aad difaacan tahay ama si aad si buuxda u tallaalan tahay. Islamarkaana waa in aad gooni uga baxdid dadka kale haddii lagaa helo covid-19, inkastoo aad difaacan tahay ama si aad si buuxda u tallaalan tahay.

Tallaalka koroonaha

Tallaalku wuxu qofka ka difaacayaa in uu si xun ugu xanuunsado koroonaha. Hay’adaha caafimaadka ee Norway waxay ku talinayaan in qof kasta oo awoodaa qaato tallaalka.

Degmada aad deggan yahay ama aad joogtid ayaa ka masuul ah in ay ku siiso tallaalka koroonaha. Tallaalku waa bilaash, qofka ayaan dooranaya in uu qaato iyo in uu iska daayo.

Qof kasta oo Norway joogay in muddo ah waxa uu xaq u leeyahay tallaalka, iyadoo aan la eegayn in uu sharci leeyahay iyo in kale.

Machadka Caafimaadka Dadweynuhu (FHI) wuxu hadda ku talinayaa in haweenka uurka leh qaataan tallaalka koroonaha.

Haddii aan lagu siinin fursadda is-tallaalista, la xidhiidh degmadaada. Waxaad xaq u leedahay in aad hesho turjumaan marka lagu siinayo  adeegyada caafimaadka ee Norway.

Tallaalka koroonaha ee carruurta iyo dhallinyarada

Waxa kale oo la go'aamiyay in 16- iyo 17-jirka la siiyo tallaalka koroonaha.

Carruurta jirta 12 ilaa 15 sanno waa la siin karaa tallaalka, laakiin waxa marka ugu horreysa la siinayaa hal irbad oo tallaalka ah. Waalidka ayaa gaadhaya og’aanka rasmiga ah ee ku saabsan in la tallaalo carruurtooda jirta da’dan. 

Cinwaanka filimo warbixin ah oo ku saabsan tallaallada koroonaha. Halkan waxad ka helaysaa jawaabo ku saabsan waxa tallaal yahay, qaabka uu u shaqeeyo iyo sababta la isu tallaalo. 

Xataa marka la tallaalan yahay waxa muhiim ah in lagu dhaqmo talooyinka guud ee ka hortagga faafidda cudurka:

  • Joog guriga haddii aad xanuunsnayso
  • Tijaabo iska qaad haddii aad qabto calaamadaha cudurka
  • Gacmaha dhaq marar badan

Safarrada

Tegitaanka ama ka imaanshaha waddanka dibeddiisa

Gudaha waddanka

Waa la oggol yahay dhammaan safarrada waddanka gudahiisa ah. Haddii aad xanuunsanayso ama aad ku jirto gooni-u-bixid, waxa wacan in aanad dhoofin. Waxa dhici karta in tallaabooyin ka hortag faafitaan oo gaar ah ka jiraan degmada aad ku socoto, taas darteed eeg bogga internetka ee degmada ka hor intaanad gelin safarka.

Isu-imaanshooyinka dadka

Waa muhiim in lagu dhaqmo talooyinka guud ee ka hortagga faafidda cudurka marka lala joogo dadka kale. Guriga joog haddii aad xanuunsanayso, ilaali nadaafadda gacmaha iyo qufaca. Waxa dhici karta in tallaabooyin ka hortag faafitaan oo gaar ah ka jiraan degmada aad joogto. Taas darteed eeg bogga internetka ee degmadaada.

Xannaanooyinka iyo iskuulka

Hadda degmooyinka ayaa go’aamin kara nooca tallaabooyinka la rabo in iskuullada iyo xannaanooyinku ku dhaqmaan, iyagoo ku salaynaya xaaladda cudurka ee degmada.

Goorma ayaa la rabaa in carruurtu ka joogto xannaanada carruurta ama iskuulka? Halkan ka eeg waxa la rabo in aad samayso marka ilmuhaagu xanuunsado. 

Goorma yaa la rabaa in dadka waaweyn iyo dhallinyaradu joogto guriga? Halkan ka eeg waxa la rabo in aad samayso marka aad xanuunsato.