12 toddobaad ee uur-qaadista ugu horeeyso waxaa jira laba hab oo lagu joojinayo bilowga uur-qaadista: ilmo iska soo rididda qalliinka ku salaysan iyo ilmo iska soo rididda daawooyinka ku salaysan.
In ka badan boqolkiiba 90 % ilmo iska soo rididda waxaa hadda lagu sameeyaa daawooyin.
Ilaa dhamaadka toddobaadka 12:aad ee uurka, waxaad kaalin ka geeysan kartaa habka ilmo soo rididda. Kadib dhamaadka toddobaadka laba iyo tobnaad ee uurka, ilmo iska soo ridid habka daawooyinka oo kaliya ayaa suurtagal noqon karo.
Yaraynta tirada uurjiifka sidoo kale waa mid iskeed u go'an ilaa usbuuca 18:aad ee uur-qaadista, waa haddii aysan jirin sababo caafimaad oo aan loo fulin karin. Yaraynta tirada uurjiifka waxaa lagu sameeyaa hab gaar ah.
Ilmo iska soo rididda daawooyinka ku salaysan
Ilmo soo rididda daawooyinka waxaa la qaataa laba nooc oo kiniin ah. Waxaa lagu siin doonaa kiniinka ugu horreeya (mifepristone) markii aad isbitaalka ku sugan tahay. Kaasoo saamayn ku yeelan doono ilmo-galeenka si ay uur-qaadista u joogsato awgeed. Markii kiniinka aad qaadato waxaa bilaaban doono ilmo soo rididda.
Kadib markaad qaadato kiniinka waxaad ku laaban kartaa gurigaaga. Maalmaha ku xiga waxaa dhici karto inaad dareento labolabo iyo inyar oo dhiigbax iyo calool-xannuun, laakiin qof kasta waxyeelooyinkaas ma dareemo. Dumarka qaarkood markii kiniinka ugu horreeya ay qaataan ayaa laga yaabaa inay ilmaha soo ridaan. Haddii ay taasi dhacdo, waa inaad la xiriirtaa isbitaalka.
Hal ilaa laba maalmood ka dib, waa inaad qaadataa daawada labaad (misoprostol) si aad u dhammaystirto ilmo soo rididda. Kiniiniyada waxaa la dhexgeliyaa siilka ama waxaa la dhigayaa carrabka hoostiisa.
Walxaha waxtarka ee laga sameeyay kiniinnada ayaa sababa in ilmo galeenka isku ururo. Waxaa laga yaabaa inaad dareento xannuun daran, gaar ahaan marka waxa ku jira ilmo-galeenku ay ku dhow yihiin in la soo saaro. Waxaa lagu siin doonaa xannuun baabi'iye. Waa inaad ku tala gasho dhiigbax ka culus kan caadadaada. Dhiigbaxa xinjirowga dhiigga (xinjirowga) waa caadi.
Haddii aadan dhicin 4-6 saacadood kadib markii kiniiniyada aad qaadatay, waxaa saddexdii saacadoodba mar ilaa aad ilmaha ka soo rido lagu siin doonaa qiyaas cusub oo kiniin ah. Muddadaas waad cuni kartaa oo cabi kartaa wax kasta oo aad rabto. Maslaxad ayaa kugu jirto haddii aad nuuxnuuxsato, maadaama ay dedejin karto hawsha oo ay kaa caawin karto xannuunka.
Ma gurigayga mise isbitaalka ayaa ilmaha isaga soo ridaa?
Haddii muddada uur-qaadista aynan ka badnayn 10 toddobaad, waxaad dooran kartaa ilmo isaga soo rididda guriga, haddii aad caafimaad qabto oo aad ka weyn tahay 18 sano. Waa in qof weyn u kula socdaa maalinta aad ilmo iska soo rididda sameyneyso.
Ilmo soo rididda hormarsan waxaa caadi ah in 4 ilaa 6 saacadood ay ka soo wareegaan wakhtiga kiniinnada la siiyo ilaa ilmo soo rididda.
Ilmo soo rididda guriga lagu sameeyo waxaa loo sameeyaa isla habka isbitaalka lagu sameeyo. Waxaa lagu siin doonaa warbixin ku saabsan sida loola xiriiro isbitaalka yo goorta aad sidaas samaynayso.
Dumarka badankood ee ilmo soo rididda ku sameeya isbitaalka waxay guryahooda aadaan isla maalintaas. Xaaladaha qaarkood waxaa habboon in isbitaalka hal maalin lagu hakado.
Qalliinka ilmo iska soo rididda
Haddii ilmo iska soo rididda darteed qalliin la sameynayo, waxaa lagu wargeli doonaa taariikhda iyo saacadda qalliinka waa kadib markii baaritaanka hordhac ah oo isbitaalka lagu sameeyo, sida qaabka daawooyinka ee ilmo iska soo rididda. Sidii loo jilciyo dhuunta ilmo-galeenka waxaa subaxda qalliinka lagu siin doonaa 3 kiniin (misoprostol) oo lagu gelin doono xubinta taranka. Mararka qaarkood waxay keenaan dhiigbax iyo xannuun yar.
Maalinta qalliinka oo isbitaalka lagaga yeeray waa inaad soonto. Macnaha 6 saacadood ee ugu dambeeyaan, qallinka kahor waa inaad waxba soo cunin, cabbin ama sigaar soo cabbin.
Waayo waa qalliin oo badanaa lagu suuxin doono. Qof dhakhtar ah, ka kaasoo daloolka ilmo-galeenka ka soo xoqa.
Qalliinka wuxuu qaadan doonaa qiyaastii 10 daqiiqo. Intaa kadib, waxaada muddo 1 ilaa 2 saacadood ku nasan doontaa isbitaalka kadib gurigaaga ayaa ku laaban doontaa. Haddii aad xannuun dareento qalliinka kadib waxaa lagu siin doonaa xannuun baabi'iye.
Sababo caafimaad iyo khatarta qalliinka awgood, ilmo soo rididda daawooyinka ayaa la isticmaala toddobaadka 12:aad ee uur-qaadista kadib.
Yareynta tirada uurjiifka
Yaraynta tirada uurjiifka waa dhacdada muddada uur-qaadista oo leh laba ama in ka badan uurjiif, kaasoo horumarinta hal ama in ka badan uurjiif la joojiyo, iyadoo islamarkii hal ama in ka badan uurjiif ay weli nool yihiin. Dhacdada waxaa loogu dhaqaaqa iyadoo wadnaha uurjiifka lagu duro maaddada potassium chloride si uu u joojiyo garaacista.
Ulajeedada yaraynta tirada uurjiifka laga leeyahay ayaa waxay tahay in uur-qaadista uurjiifka haray uu sii socdo, iyo in ay dhashaan sida ugu dhow taariikhda la filayo.
Dhacdada yaraynta tirada uurjiifka wuxuu qofku go`aan ka gaari karaa ilaa tobbobaadka 18:aad ee uur-jiifka, waa haddii aysan jirin sababo caafimaad oo aan loo samayn karin. Tusaale ahaan, haddii tirada uurjiifka aan hoos loo dhigi karin maadaama ay wadaagaan mandheerta.
Ilmo iska soo rididda ku beegan toddobadka 18:aad kadib
Haddii aad ku talo jirto inaad ilmaha iska riddo toddobadka 18:aad kadib (toddobadka 17:aad kudar 6 maalmood) waa inaad codsi u qorataa Guddiga arrimaha ilmo iska soo rididda. Guddiga wuxuu kadib ka arrinsan doonaa codsiga kadib arrinta ayuu go`aan ka gaari doonaa, iyadoo lagu saleynayo sababo gaar ah (shuruudo) sharciga ku xusan. Shuruudaha ilmo iska soo ridid waxay ku qeexan yihiin. Abortloven.
Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan Ilmo iska soo rididda ku beegan toddobadka 18:aad. ka akhriso
Ilmo iska soo rididda kadib
Dumarka qaarkood waxay Ilmo iska soo rididda kadib dareemaan dhiigbax culus iyo calool-xannuun. Halka kuwa kalena u dhigbaxooda hoos u dhaco muddo 2 ilaa 3 toddobaad.
Waxyeellooyinka ka dhasha ilmo soo rididda qalliinka badanaa sidaas uma badna, badankooduna ma dhib badna. Waxyeellooyinka badidooda waxaa u sabab ah suuxdintii, sida lallabbo iyo matag. Marar dhif ah ayaa waxyeello soo gaarta ilmo-galeenka, kaadi-haysta ama mindhicirka.
Ilmo iska soo rididda caafimaadka iyo qalliinka ba waa inaad labada toddobaad ee ugu horreeya ka fogaataa galmada ama inta aad dhiig baxayso. ilaa inta aad dhiig baxayso, waa inaad isticmaashaa xafaayad, ha isticmaalin tampons, taasoo u sabab ah halista infeekshanada
Ilmo soo rididda kadib waa wax caadi ah inaad si keddis ah la kulanto dareeno kala duwan. Tani waxay qayb ahaan sabab u tahay marxallada isbeddellada hoormoonka ee jirka.
La socodka ilmo soo rididda ka dib
Caadi ahaan ilmo soo rididda kadib lama sameeyo baaritaanka caafimaadka. Haddii baaritaan la samaynayo waxaa sameyn kara dhakhtarkaaga qoyska ama dhakhtarka dumarka. Haddii aad rabto in xaaladdaada loola socdo waa inaad iskaaga ballan u qabsato.
Qof kasta oo ilmaha iska soo ridey wuxuu xaq u leeyahay wadahadal ku salaysan tixraac. Qofka wadahadlka loola yeelan doono waa hadba degmada aad degan tahay. Waxaa fursadda wadahadalka ku siin karo isbitaalka, dhakhtarkaaga guud ama rugta adeegyada caafimaadka. Talo ahaan waxaa fiican inaad waydiiso halka tixraaca lagu samayn doono markii baaritaanka lagugu samaynayo. Qof walba uma baahna tixraacida, sidaas darteed waa arrin ikhtiyaari ah.
Haddii ay jiraan dhibaatooyin sida qandho, xannuun badan, ama dhiigbax culus, waa inaad la xiriirtaa isbitaalka.
Afar toddobaad kadib hubso inaad uur leedahay iyo in kale. Haddii caadadaada soo noqon weydo 6 toddobaad kadib, la xiriir dhakhtarkaaga si aad u hubsato inaad weli uur leedahay iyo in kale. Marar dhif ah ayaa lagu guulaysan ilmo iska soo rididda.
Ilmo soo rididda kadib waxaad qaadan kartaa fasax xannuun waa haddii aad rabto.
Ma u baahan tahay qof aad la hadasho?
Dadka qaar si sahlan uguma gaari karaan sii wadasha uurka ama ilmo soo rididda. Dadka aad ku kalsoon tahay waxay noqon karaan kuwa ugu fiican ee aad fikradahaaga iyo dareenayaasha la wadaagto.
Haddii aad u baahan tahay qof aad la hadasho, waxaad la xiriiri kartaa Amathea, waxaad halkaas ka heleysaa adeegyada hagitaanka oo lacag la`aan ah oo ay dawladda taageerto.
Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa dhakhtarkaaga qoyska, xarunta adeegyada caafimaadka, isbitaalka, xafiiska la-talinta qoyska ama maamulka adeegyada bulshada. Waxaad la kulmi doontaa qof aad wadahadal la yeelato oona ku siiyo warbixin ilmo soo rididda kahor iyo kadib ba.
Qof kasta waxaa waajib ku ah xajinta sirta xirfadda