Sidee loo sameeyaa ilmo iska soo rididda? 

Adiga ayaa codsan kara ilmo iska soo rido. Uma baahnid gudbinta dhakhtarka qoyska, laakiin waxaad si toos ah ula xiriiri kartaa isbitaalka leh waaxda daryeelka dumarka. Uma baahnid inaad u sharaxdo isbitaalka sababta aad u rabto inaad ilmo iska soo riddo, mana jirto wax shuruud ah oo ku saabsan in muddo aad ka soo fekerto.  

Markii aad nala soo xiriirto, waxa lagu waydiin doonaa goortii ugu dambaysay ay caadada kugu dhacday. Su`aashaas waxaa u sabab ah ogaashaha tan iyo markii aad uurka yeelatay, iyo sida ugu dhakhsaha badan ee aad ballan uga heli karto isbitaalka. 

Qofna kuguma qasbi karo ilmo iska soo xaaqid. Tan kale ilmo iska soo rididda suurtagal ma noqon karto ogolaanshahaaga la'aanteed. 

Ilmo iska soo rididda waa lacag la`aan 

Qof kasta dalka Norway joogo wuxuu xaq ku leeyahay ilmo iska soo ridid taasoo waafaqsan sharciga abortloven (lovdata.no). Dadka ku nool dalka Norway lacag ma bixiyaan Ilmo iska soo rididda darteed. Sidoo kale shaqaalaha EU/EES aan ku noolayn dalka Norway laakin dalka ka shaqaysta waa laga bixiyaa kharasha ilmo iska soo rido. Eeg tilmaamaha dheeraadka ah ee ku saabsan xuquuqda ajaanibta ee daboolida kharashyada daryeelka caafimaadka ee dalka Norway. 

Sidee loo sameeyaa ilmo iska soo rididda? 

Baaritaan dartiisa waxaa lagaaga yeeri doonaa isbitaalka.  Halkaa waxaad kula kulmi doontaa dhakhtar, kalkaalisada caafimaadka ama umuliso.  Inta lagu jiro baaritaanka, waxay cabbiri doonaan cadaadiska dhiiggaaga, waxay dhegeysan doonaan wadnahaaga iyo sambabadaada, waxay kaa qaadi doonaan shaybaarka dhiigga waxayna samayn doonaan baaritaanka haweenka. Waxay sidoo kale samayn doonaan qalabka ultrasound si ay u xaqiijiyaan inta aad uurka leedahay.  Dhirirka muddada uurka wuxuu saamayn ku yeesha haddii ilmo iska soo rididda lagu samayn karo guriga ama haddii ay qasab tahay in isbitaalka lagu sameeyo.  Uma baahnid inaad daawato markii qalabka ultrasound la samaynayo. 

Waxaa jira laba hab oo lagu joojinayo bilowga uur-qaadista: ilmo iska soo rididda qalliinka ku salaysan iyo ilmo iska soo rididda daawooyinka ku salaysan. In ka badan boqolkiiba 90 % ilmo iska soo rididda ka hor toddobaadka laba iyo tobnaad ee uurka waxaa hadda lagu sameeyaa daawooyin.   

Ilaa dhamaadka 12:aad ee uurka, waxaad kaalin ka geeysan kartaa habka ilmo soo rididda.  Kadib dhamaadka 12:ka ee uurka, ilmo iska soo rido habka daawooyinka oo kaliya ayaa  suurtagal noqon karo.Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan  ilmo iska soo rididda halkan ka akhriso. 

Shaqaalaha adeegyada caafimaadkawaxay sharxi doonaan sida ilmo iska soo rididda loo sameeyo iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara. Haddii aad go`aansato inaad sii wadato uurka, waxaad heli doontaa warbixinta iyo hagida aad u baahan tahay xaqna u leedahay inaad sii wadato.  

Shaqaalaha adeegyada caafimaadka waa inay bixiyaan warbixin ku salaysan xaqiiqda, iyagoon aan muujinin aragtidooda shaqsiyeed.  

Waad ka noqon kartaa go`aankaaga ilmo iska soo rididda kahor.

Ilmo iska soo rididda guriga lagu sameeyo 

Ilaa dhammaadka toddobaadka 10:aad ee uurka, waxaad ilmaha isaga soo ridi kartaa adigoo gurigaaga ku sugan.  Markii guriga aad ilmaha isaga soo ridayso, waxaa marka hore lagu siin doonaa daawo joojisa horumarka dheeraadka ah ee uurka. Kiniinka waxaa lagu qaataa isbitaalka. Labo maalmood ka dib waxaad ku laaban doontaa isbitaalka si lagu siiyo daawo kale oo jirkaaga ka caawin doonta inuu ka takhaluso uurjiifka. Waxa kale oo lagu siin doonaa dawooyin xannuun baabiiye ah oo aad qaadan karto haddii loo baahdo. Kadib guriga ayaad aadaysaa oo guriga ayaad ku dhamaystiri kartaa.  

Ilmo iska soo rididda guriga lagu sameeyo lama oggola haddii aadan haysan qof ku taageero. Dhicisnimada waxay noqon kartaa mid dareen ahaan adag, dadka qaarna waxay dareemaan xannuun daran.

Ilmo iska soo rididda isbitaalka 

Waxaad xaq u leedahay inaad ilmo iska soo rididdo isbitaalka iyadoon fiirogaar aan la siin muddada ka soo wareegatay tan iyo markii aad uurka yeelatay, waa haddii aad rabto. Toddobaadka tobbonaad ee uur-qaadista kadib suurtagal ma noqon karto ilmo iska soo ridid guriga laguma sameeyo.  

Ilmo iska soo rididda daawooyinka ee isbitaalka laguma sameeyo, iyo kan guriga lagu sameeyo waa isku qaab, laakiin ilaa ilmo iska soo rididda ka dhammaato waxaa lagugu daryeeli doonaa isbitaalka.  

Muddada uurka wuxuu saameyn ku yeelan karaa waaxda lagugu daryeeli doono ee ilmo soo rididda lagu samayn doono. Isbitaalada qaarkood ilmo soo rididda waxaa loogu dhaqaaqa waaxyada daryeelka maalinlaha, halka kuwa kalena lagu sameeyp waaxyaha daryeelka haweenka. Haddii ilmo soo rididda dhacdo xilliga dambe ee uurka, waxaa laga yaabaa inay jirto baahi loo qabo xannuun baabi'iye iyo qof khibrad gaar u leh ilmo soo rididda lagu sameeyo waaxda dhalmada.  

Ilmo soo rididda qalliinka waxaa sameeyo qof dhakhtar ah, ka kaasoo daloolka ilmo-galeenka ka soo xoqa.  Xilliga qallinka waa lagu suuxin doonaa.

Ilmo iska soo rididda kadib 

Inta aad dhiig baxayso waa inaadan ku dabaalan barkadda qubeyska, badda ama barkadda dabaalasha, sababtoo ah khatarta cudurka bararka miskaha. Sidoo kale waa inaadan isticmaalin xafaayadda caadada ama galmo aadan yeelan adigoon isticmaalin cinjir. 

Uurka kadib jirkaaga dhowr maalmood ayuu u baahan yahay la qabsashada darteed.  Sababto ah waxaa dhici karto inaad dareento lallabbo, jilicsanaanta naasaha iyo calaamado kale muddo qiyaastii hal toddobaad qalliinka kadib.   Muddada calaamaddahaas aad dareemi doonto wa hadba dhirirka uurqaadista ilmo iska soo rididda kahor.  La xiriir dhakhtarkaaga ama isbitaalkaaga haddii calaamadahaas aysan hoos u dhicin ilmo soo rididda kadib iyo sidiii loo hubsado inaadan weli uur lahayn. 

Waxyaalaha uur-qaadista looga hortago ilmo iska soo rididda kadib 

Ilmo soo rididda kadib waxaad uur qaadi kartaa mar kale muddo yar kadib. Sidaas darteed, ka feker haddii aad u baahan tahay waxyaalaha uur-qaadista looga hortago iyo in kale. nooca ka hortagga uurka aad rabto in aad isticmaasho. Markii baaritaanka hordhaca ah ee isbitaalka la samaynao, waxaa lagu siin doonaa hagitaan iyo talo ku saabsan waxyaalaha uur-qaadista looga hortago. 

Ma ka yar tahay 16 sano? 

Haddii aad ka fikireyso inaad ilmo iska soo riddo, waxaad xaq u leedahay warbixin iyo hagitaan ku habboon da'daada iyo baaluqnimadaada. Ku saabsan ilmo soo rididda waxaad si toos ah ula xiriiri kartaa isbitaalka. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa kalkaalisada caafimaadka dadweynaha ama dhakhtarkaaga qoyska si aad uga hesho caawimaad la xiriirka isbitaalka.  

Haddii aad ka yar tahay 16 sano oo aad rabto in aad ilmo iska soo riddid, waalidkaa ama dadka kale ee mas'uuliyadda waalidnimo leh waa in, sida caadiga ah, ay warbixinta ku saabsan ka helaan adeegga caafimaadka. Dad badan, taageerada waalidka muhiim ay u noqon doontaa.  Haddii aadan rabin in waalidkaa ay helaan warbixinta, oo ay jiraan sababo wanaagsan taas, waa in la ixtiraamo.  

Adiga oo ah haweeneyda uurka leh ayaa iskaleh go'aanka ilmo soo rididda.  Sharciga sidaas u farayaa xitaa haddii aadan weli 16 sano buuxsan. 

Ilmo iska soo rididda ku beegan toddobadka 18:aad kadib 

Haddii aad ku talo jirto inaad ilmaha iska riddo toddobadka 18:aad kadib (toddobadka 17:aad kudar 6 maalmood) waa inaad codsi u qorataa. Guddiga arrimaha ilmo iska soo rididda. Guddiga wuxuu kadib ka arrinsan doonaa codsiga kadib arrinta ayuu go`aan ka gaari doonaa, iyadoo lagu saleynayo sababo gaar ah (shuruudo) sharciga ku xusan. Shuruudaha ilmo iska soo ridid waxay ku qeexan yihiin.Abortloven. 

Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa cusub sharciga ilmo soo rididda cusub ee 1.6.25 halkan (helsedirektoratet.no). 

Dhakhtarka iyo adiga waa in wadajir  sababta aad u rabto inaad uurka joojiso u qortaan.  Xitaa adiga waad qori kartaa sababta.  Dhakhtarka wuxuu sababta iyo codsiga ilmo soo rididda kadib u dirayaa guddiga ilmo soo rididda ee gobolka arrimaha caafimaadka  

Liiska looxyada ilmo iska soo ridid (helsedirektoratet.no) 

Kadib markii guddiga aad la kulanto waxaa isbitaallo badan laga helaa, fursad aad kahor iyo kadib ba wadahadal la yeelato shaqaalaha arrimaha bulshada. Haddii fursad noocaa aan lagu siin, adiga ayaa codsan karo. 

Sidee codsiga looga arrinsan doonaa? 

Codsiga ilmo soo rididda waxaa ka arrinsan doono Guddiga arrimaha ilmo soo rididda oo ka kooban dhakhtar, xubin khibrad u leh daryeelka caafimaadka ama iyo qareen ah.  Waxaad xaq u leedahay inaad ka qaybgasho guddiga haddii aad rabto, laakiin lagaagama baahna inaad timaado. Qaar ka mid ah, waxaa laga yaabaa inay ku habboon tahay inay ka qaybgalaan kulanka guddiga muuqaal ahaan. Haddii aad rabto, waxaa soo wadan kartaa qof wehel ah. Adiga iyo qofka wehliyeha ah waxaad xaq u leedihiin in la idinka bixiyo kharashka gaadiidka ku timideen maxkamadda.  

Markii arrintaada laga arrinsan doono waxaa lagu siin doonaa fursad aad ka warbixiso sababta aad u rabto inaad uurka joojiso. Guddiga ilmo soo rididda waa inuu muhiimad weyn siiyaa sida aad adigu u qiimeynayso xaaladda. 

Haddii guddiga u go`aan diidmo gaaro waxaa arrintaada toos loogu gudbinayaa Abortion Appeals Board oo kadib go`aan kama dambays gaari doono.  Haddii aad rabto goobjoog ayaa noqon kartaa markii guddiga u arrintaada ka arrinsanayo 

Ma u baahan tahay qof aad la hadasho? 

Dadka qaar si sahlan uguma gaari karaan sii wadasha uurka ama ilmo soo rididda.   Waxa kale oo laga yaabaa inaad si ka duwan uga falceliso ilmo soo rididda, ha ahaato muddada hore ee uur-qaadista ama muddada dambe ee uur.qaadista. Waa wax caadi in qofka u dareemo xasilooni, murugo ama la dareeno kala duwan.  La hadalka qof ayaa waxtar yeelan kara. Dadka aad ku kalsoon tahay waxay noqon karaan kuwa ugu fiican ee aad fikradahaaga iyo dareenayaasha la wadaagto. 

Haddii aad u baahan tahay qof aad la hadasho, waxaad la xiriiri kartaa Amathea, waxaad halkaas ka heleysaa adeegyada hagitaanka oo lacag la`aan ah oo ay dawladda taageerto. 

Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa dhakhtarkaaga qoyska, xarunta adeegyada caafimaadka, isbitaalka, xafiiska la-talinta qoyska ama maamulka adeegyada bulshada. Waxaad la kulmi doontaa qof aad wadahadal la yeelato oona ku siiyo warbixin ilmo soo rididda kahor iyo kadib ba. 

Qof kasta oo ilmaha iska soo ridey wuxuu xaq u leeyahay wadahadal ku salaysan tixraac. Qofka wadahadlka loola yeelan doono waa hadba degmada aad degan tahay.  Waxaa fursadda wadahadalka ku siin karo isbitaalka, dhakhtarkaaga guud ama rugta adeegyada caafimaadka. Talo ahaan waxaa fiican inaad waydiiso halka tixraaca lagu samayn doono markii baaritaanka lagugu samaynayo. Qof walba uma baahna tixraacida, sidaas darteed waa arrin ikhtiyaari ah. 

Qof kasta waxaa waajib ku ah xajinta sirta xirfadda 

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay 30. Bisha Shanaad 2025