Cudurka furuqa daanyeerka [monkeypox] waxaa sabab fayruuska daanyeerka (monkeypoxvirus), kaasoo sababa qandho iyo finan. Waxaa la ogsoon yahay in dalal Qaaradda Afrika ku yaalaan qaarkood ay xayawaanada cudurka qaadsiiyaan aadenaha. Cudurka hadda dilaacay ee weli socda (kaasoo la shaacbixiyay bishii maajo 2022) waxaa la shaacbixiyay in aadenaha ay cudurka is qaadsiiyaan, kaddiib markii xiriir taabasho/isku soo dhowaasho ay yeesheen kaasoo calaamadahiisa kamid ah finan, dheecaanada jirka iyo dhibacyo. Waxay halista sare u kacda haddii xiriir galmo/iskutag loola yeesho qof u cudurka ku dhacay waana habka ugu caadiyeeysan u imminka ku faafo, wuxuu si gaar ah saamayn ugu yeeshay ragga. Dhunkashada halista infeekshanka ayay kordhisa. Is-qaadsiinta dhibicyada ku salaysan waxay caadi ahaan qaadata muddo dheer kaddib markii xiriir isku soo dhowaasho la yeeshay (saacado).
Kaddib markii muddo dheer ay ka soo wareegatay dib ugu kabsashada ayaa shahwada laga helay fayruus. Lama hubo haddii fayruuska u yahay mid nool ama mid aan noolayn oo sababi karaa halista faafinta/is-qaadsiinta. Sidaas awgeed, waxaa dib ugu kabsashada kaddib, lagula talinayaa inaad muddo ka kooban 12 toddobaad aad markii iskutag/galmo yeelanayso isticmaasho cinjirka galmada.
Muddada u dhaxayso maalinta cudurka lay qaadsiiyay ilaa aan calaamadahiisa ka dareemo waa intee?
Muddada u dhaxayso maalinta cudurka lagu qaadsiiyay ilaa aad calaamadahiisa ka dareento waa 5-21 maalmood (caadi ahaan 6-13 maalmood).
Maxay yihiin calaamadaha Cudurka furuqa daanyeerka [monkeypox]?
Calaamadaha ugu horeeyaan caadi ahaan waa qandho, daal iyo madax-xannuun. Waxaa kaloo caadi ah muruq-xannuun iyo qallafsanaan. Qaar kalena waxay dareemaan bararka nodeha qanjirada iyo islamarkii ama dhawr maalmood kaddib cuncun iyo/ama finan xannuun badan. Finanka waxay isku rogaan nabarro dheecaan leh, kuwaasoo qoloftooda ka dib qallala oo haragga ka dhaca. Nabarro ayay isku rogi karaan.
Cudurka hadda dilaacay ee weli socda (kaasoo la shaacbixiyay bishii maajo 2022) waxay finanka biloowgi ka soo yaacaan agagaarka xubnaha taranka iyo futada. Finanka waxay kaloo ka soo yaaci karaan weejiga ama afka kaddib waxay ku faafaan jirka intiisa kale, waxay yeelan karaan muqaalka calaamadaha busbuska. Qaar baa sidoo kale finan ka soo baxa calaacalaha gacmaha iyo cagaha. Finanka waxay noqon karaan kuwa yaryar, oo leh dhowr finan yaryar ama nabarro, waxayna u ekaan karaan cudurka herpes.
Haddii qofku u lahaan jiray lamaaneyaal tiro badan ama lamaane cusub oo xiriir jinsi la yeeshay, waa in u fiirogaar siiyo calaamadaha cudurka – sida qandho, muruq-xannuun, bararka nodeha qanjirada, madax-xannuun iyo nabarrada dheecaanka leh iyo kuwa aan lahayn ba.
Xannuunka waxaa caadi ahaan la dareema 2 ilaa 4 toddobaad. Qofku wuxuu qof kale cudurka qaadsiin karaa laga bilaabo maalinta caalamadaha cudurka ay soo ifbaxaan ilaa qolofta ka dhacayso oo maqaar cusub hoos ka samaysmayo (qiyaastii 3 toddobaad).
Haddii cudurka furuqa daanyeerka [monkeypox] lagu qaadsiiyay ama aad ka shakisan tahay in lagu qaadsiiyay, waa in aad iska ilaalisa inaad xiriir dhow/is-taabasho ku salaysan qof kale la yeelato.
Baaritaanka, baaritaanka iyo daaweynta
Waa muhiim in aad la xiriirto dhaqtar kuu diri kara baaritaan haddii aad leedahay astaamaha kana shakisan tahay in aad xiriir la yeelatay qof qaba furuqa daanyeerka(monkeypox). Suurtagal ma ahan in aad marto baaritaan si aad u kala xaqiijiso in aad qabto furuqa daanyeerka iyo in kale ilaa inta aad astaamaha cudurka ka yelanayso.
Dadka intooda badan uma baahna wax daaweyn ah oo ka baxsan kasoo bogsashada astaamaha cudurka sida kaarjabiyaha/daawada xanuun baabi’iyaha oo kale maahane. Waa dhif iyo naadir in xanuun daran la arko.
Xaaladaha qaarkood, in qofka isbitaal la dhigo ayaa noqon karta mid haboon. Baaritaanka, tijaabada caafimaadka iyo daaweynta intuba waa bilaash.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan monkeypox, visit fhi.no.
Tallaal
Tallaalka loo adeegsado furuqa daanyeerku waa tallaalka busbuska ee jiilka saddexaad. Tallaalkaan in badan lama adeegsan, laakiin waxaa la qaadan karaa labadaba ko hor iyo kadibba caabuqa, waxaana la rumaysan yahay in uu ka hortagi karo cudurka ama in cudurku halis isu badalo.