Daryeelka caafimaad ee dadka aan sharci ku joogin

Qof kasta oo jooga Norway wuxuu xaq u leeyahay inuu helo gargaar degdeg ah iyo daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah ee aan dib loo dhigi karin.

Xuquuqda dadka waaweyn ee adeegyada caafimaadka

Dadka ka weyn 18 sano ee aan dalka sharci ku joogin, waxay xaq u leeyihiin gargaar degdeg ah iyo daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah ee aan dib loo dhigi karin. Waa inaad iska bixisid lacagta daryeelka caafimaadka, laakiin lacagta ma sii hormarinaysid (maaha qadimaad).

Xuquuqda haweenka uurka leh ee adeegyada caafimaadka

Haweenka uurka leh si buuxda ayay xaq u leeyihiin inay helaan daryeel caafimaad xilliga uurka, xilliga dhalmada iyo xilliga umusha. Haweenka uurka leh waxay sidoo kale xaq buuxa u leeyihiin ilmo iska soo ridka.

Xuquuqda carruurta ee adeegyada caafimaadka

Dhammaan carruurta ay da'doodu ka yar tahay 18 sano waxay leeyihiin xuquuqda adeegyada caafimaadka iyo daryeelka, si la mid ah carruurta kale ee Norway. Carruurta aan haysan sharci joogitaan xaq uma laha inay ka mid noqdaan nidaamka dhakhtarka joogtada ah.

Xuquuqda caawimada ku saabsan cudurrada faafa

Cudurrada qaarkood waa kuwo aad la isu qaadsiiyo oo cawaaqib xun ku keeni kara bulshada iyo dadka cudurku ku dhacayba. Lovdata.no waxaa ku jira liis ka kooban cudurrada faafa ee bulshada u halis ah.

Haddii aad halis ugu jirto inuu kugu dhaco cudur noocaas ahi, waxaad xaq u leedahay in lagaa caawiyo ka hortagga cudurka. Taas macnaheedu waxa weeye in aad xaq u leedahay:

  • tallaal
  • macluumaad
  • caawimaad kale oo ka hortag ah oo lagama maarmaan ah

Haddii uu kugu dhacay cudur noocaas ahi, waxaad xaq u leedahay in lagaa daweeyo.

Caawimada ka hortagga cudurrada la si qaadsiiyo waa u bilaash qof kasta oo jooga Norway.

Diidmada kama dambaysta ah ee codsiga magangelyada

Inkastoo aad heshay diidmo kama dambays ah oo ku saabsan codsigaaga magangelyo, waxaad xaq u leedahay:

  • in isbitaalku xaaladaada qiimeeyo
  • gargaarka caafimaad ee degdeg ah
  • daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah ee aan dib loo dhigi karin

Haddii aad qabtid dhibaatooyin nafsadeed, waxaad xaq u yeelan kartaa daaweynta daryeelka caafimaadka nafsadeed.

Carruurta aan sharci ku lahayn Norway waxay xaq u leeyihiin inay daryeel caafimaad ka helaan dhakhtar iyo isbitaal, laakiin xaq uma laha inay helaan dhakhtarka joogtada ah.

Haddii si kama dambays ah loo diiday codsigaaga magangalyo, waa inaad iska bixisid kharashka caawimada caafimaad ee dhakhtarka iyo daaweynta isbitaalka, laakiin ma u baahnid inaad lacagta sii hormarisid ka hor intaanad helin caawimada caafimaadka. Haddii aad marka dambe lacagta bixin kari weydo, waa inuu adeegga caafimaadku bixiyo kharashka.

Haweenka uurka leh ee si kama dambays ah loo diiday codsigooda magangalyo waxay xaq u leeyihiin:

  • inay helaan daryeel caafimaad xilliga uurka, xilliga dhalmada iyo xilliga umusha
  • in ay ku dhalaan isbitaal
  • inay ilmo iska soo ridaan

Waxyaabahaas xaq ayaad u leedahay inta aad joogto Norway.

Waa inaad iska bixisid lacagta dhalmada haddii aad awoodi kartid. Haddii aadan bixin karin, waa inuu adeegga caafimaadku bixiyo kharashka.

Xarunta Caafimaadka ee ajnabiga sharci la’aanta ah

Bilaash. Balan la’aan kaalay. Xogtaadu waa sir.

Waad la imaan kartaa oo ka hadli kartaa dhammaan dhibaatooyinka caafimaadka iyo su'aalaha aad qabtid, iyadoo aan loo eegayn sharcigaaga, markasta oo aad joogto Noorway. Dhammaan caawimooyinka caafimaadku waa bilaash.

Oslo

Saacadaha ay furan yihiin:

  • Talaado: 16:00 – 20:00
  • Khamiis: 11:00 – 15:00

Xarunta Caafimaadku waxay ku taalaa bartamaha magaalada Oslo. Waad na soo wici kartaa si aad u hesho tilmaanta sida loo imanayo xarunta.

Talefoonka: 488 90 560

Bogga internetka: kirkensbymisjon.no/helsesenteret

Bergen

Balan la’aan waa la iman karaa khamiis kasta, saacadda 18.00–20.30.

Caawimo caafimaad oo bilaash ah oo loogu talagalay haweenka:
Balan la’aan waa la iman karaa arbaca kasta (usbuucyada tirada dhaban), saacadda 18.00–20.30.

Na soo wac si aad u hesho macluumaadka cinwaankayaga iyo adeegyada aanu hayno.

Saacadaha telefoonku furan yahay:

  • Talaado 10.00 – 13.00
  • Arbaco 10.00 – 13.00
  • Khamiis 18.00 – 20.30
  • Jimce 10.00 – 14.00

Talefoonka: 400 49 094

Bogga internetka: kirkensbymisjon.no/helsesenteret-bergen/

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Arbaco, Bisha Kow iyo Tobnaad 16, 2022