Barnaamijka bukaanka kansarka lagu siiyo guriga

Qof kasta oo laga helo kansarka waxaa lagu darayaa Barnaamijka bukaanka kansarka lagu siiyo guriga. Barnaamijku wuxuu ka kooban yahay bixinta wadahadal si loo ogaado adeegyada iyo la-socoshada aad u baahan tahay, ee ka baxsan daaweynta kansarka.

La-socoshada ku xigta ogaanshaha kansarka

Qof kasta oo laga helo kansarka waxaa lagu darayaa Barnaamijka bukaanka kansarka lagu siiyo guriga. Barnaamijku wuxuu ka kooban yahay bixinta wadahadal si loo ogaado adeegyada iyo la-socoshada aad u baahan tahay, ee ka baxsan daaweynta kansarka. Xaaladaada nololeed, iyo waxa adiga muhiimka kuu ah, ayaa diirada la saarayaa.

Waxaa la rabaa inaad la kulanto barnaamij si wanaagsan loo soo agaasimay oo la saadaalin karo oo ku saleysan baahida aad u qabto la-socoshada. Barnaamijka bukaanka kansarka lagu siiyo guriga ayaa la rabaa inuu arrintaas gacan ka geysto, iyadoo lagu siinayo wadahadallo lagu ogaanayo baahiyahaaga wakhtiga aad bukaanka tahay.

Barnaamijku muxuu ka kooban yahay?

Barnaamijku wuxuu ka kooban yahay saddex xidhiidh oo wadashaqayn ah oo adigana laguu soo bandhigayo wadahadal lagu ogaanayo baahiyahaaga. Wadahadalladu waxay ku saabsan yihiin baahiyaha ka baxsan daawaynta kansarka.

Haddii aad u baahan tahay la-socosho, waxaa macluumaadka arrintan ku saabsan la siin doonaa kuwa kula socon doona. Waxa kale oo loo baahan karaa xidhiidh u dhexeeya adeegga caafimaadka iyo adeegyada kale, sida adeegyada shaqada iyo daryeelka ee NAV.

Wadahadallada waxaa kuu soo bandhigaya:

  • Cisbitaalka ka dib marka lagu sheegay in kansar lagaa helay
  • Degmada, qiyaastii 3-4 bilood ka dib markii lagaa helay kansarka
  • Degmada, qiyaastii 12-18 bilood ka dib markii lagaa helay kansarka

Waa in la tixgeliyo xaaladdaada , iyo in aad rabto ama aad awoodo inaad wadahadal gasho.

Waxaad wadahadalka u soo kaxaysan kartaa qof qaraabo ah ama saaxiib ah haddii aad rabto.

Wadadallada waxaa fulin doona dhakhtar, kalkaaliye caafimaad, shaqaale bulsho, isku duwaha kansarka ama shaqaale kale oo caafimaad.

Mawduucyada wadahadallada ka mid noqon kara:

  • Xaaladda qoyska iyo dadka qofku yaqaano
  • Shaqo, dugsi, waxbarasho
  • Dhaqaalaha iyo xaaladaha hoyga
  • Caawinta iyo diyaarinta guriga
  • Baxnaaninta
  • Dhaqdhaqaaqa jidhka iyo awooda jidhka
  • Nafaqada, cuntada iyo wakhtiyada cuntada
  • Daryeelka caafimaadkaaga
  • Waxyaalaha aad awoodo, waxbarashada iyo karaankaaga
  • Hawlaha wakhtiga firaaqada ah iyo dad dhexgalka
  • Caafimaadka nafsadeed
  • Caafimaadka jinsiyeed
  • Caafimaadka afka iyo ilkaha

Waxyaabaha laga wadahadlayo waxay ku xidhanaan doonaan xaaladdaada nololeed iyo waxa aad rabto inaad ka hadasho. U kuurgalka baahiyahaaga ayaa gacan ka geysanaya in la ogaado baahiyahaaga.

Gunnaanadka barnaamijka

Xidhiidhka wadashaqaynta ee u dambeeya barnaamijku waa 12-18 bilood ka dib markii la ogaaday kansarka. Tan macnaheedu maaha in la-socoshadu dhammaanayso. La-socoshooyinka dambe ee cisbitaalka, dhakhtarka joogtada ah iyo/ama adeegyada kale ee degmadu waxay noqonayaan kuwo ku habboon baahiyahaaga.

Barnaamijka waxaad ka helaysaa bogga Agaasinka Caafimaadka (Ku qoran af-norwegian).

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Talaado, Bisha Saddexaad 15, 2022