Naseexooyinka ku saabsan joojinta sigaar-cabidda

Ma doonaysaa inaad sigaar cabidda joojiso? U diyaargarow oo isticmaal alaabaha ku caawin kara si ay sigaar joojintu kuugu fududaato.

Illustrasjonsbilde

Is-diyaarinta joojinta sigaar-cabidda

Dadka qaarkood waxacaawin karta inay doortaan taariikhda ay sigaar-cabidda joojin doonaan, oo ay markaana ku diyaargaroobaan wakhtiga ka dhimman. Halka kuwa kalena ay ku habboon tahay inay joojiyaan iyagoo aan u diyaargaroobin.

Haddii maanta aad go`aansato taariikhda joojinta oo 2 -4 toddobaad ka harsan yihiin, waxaad haysata wakhti kugu filan oo aad isku diyaariso. Go`aan ka gaar haddii aad ku talo jirto inaad kahor u joojiso si tartiib tartiib ah ama inaad sigaar cabto ilaa taariikhda aad go`aansatay inaad joojiso.

Inta la gaaraayo taariikhda aad joojin doonto waa inaadwax ka beddesho cadooyinka sigaar cabidaa da. Sida adigoo goob kale iyo wakhtiyo kale ku cabbo oo aan ahayn goobta iyo wakhtiga aad caadi ahaan cabto.

Isku day inaad sigaar cabin xaaladaha caadi ahaan aad sigaar cabto, tusaale ahaan cuntada kaddib. Habkani wuxuu kaa caawinayaa inaad joojiso caadooyinka oo aad sii yaraysid sigaar cabidda.

Sababaha wanaagsani waxay dhaliyaan dhiirigelin wanaagsan

Bal is-waydii su`aalaha soo socda:

  • maxay tahay sababta aad sigaar-cabidda u joojinayo?
  • Lacag intee le’eg ayaa kuu badbaadi doonta?
  • Faa`iidooyinka caafimaadeed ee kuu muhimka ah waa kuwee?
  • Waxa ugu fiican ee aad filanayso waa maxay?

Bal qor dhammaan sababaha aad ka fekerayso waxaana isticmaasha maalmaha aad dareemayso in niyadaadu u hoos u dhacday.

Qorshee waxaad samaynayso marka sigaarku ku qabto

Qabashada sigaarka waxa keena jirka oo waayay wixii la baray iyo caadooyinka aad is bartay. Qabashada sigaarku waxay caadi ahaan ka baxaysaa daqiiqado kaddib. Dawooyinka wata maaddada nikotinka ayaa hoos u dhigi karta rabitaanka, laakin waa in aad adiguna wax ka beddesho caadooyinkaaga. Qorshayso waxa aad samayn doonto marka sigaarku ku qabto . Waxaad tusaale cabbi karta koob biyo ama waxaad taleefan u diri kartaa qof saaxiib ama waa lugobaxsan kartaa. Waxaa ka mid noqon kara inaad cabtid hal koob oo biyo ah, inaad wacdo saaxiib ama inaad soo lugayso.

Ma ka walwalsan tahay inay ku qabtaan calaamadaha nikotiin-joojintu? Maalmaha ka horreyaa dhakhtarkaaga ama farsamsiiga kala hadal waxyaalaha caawinaad ahaan loo adeegsado. Waxaad kaloo naseexooyin waydiin kartaa dadka aad taqaano ee khibrad u leh joojinta sigaar-cabidda.

Sidee looga adkaan karaa waxyaalaha ku soo jiidan kara

Ka feker waxyaalaha ku soo jiidan kara. Xaaladahee ayay kugu adkaan kartaa inaad sigaar cabin? Kahor ka feker xaaladahaas kaddib ka feker siyaabo kala duwan oo aad ugu hortegi karto.

Xaaladahaas ka sii feker intaanay dhcin, oo sii go’aanso hal ama dhowr xal oo aad samayn kartid. Degso qorsheyaal kuu gaar ah oo "maxaa dhici kara " ah:

  • Anigoo goob xaflad ku sugan haddii sigaar laygu casuumo, waxaan oran doonaa anigu sigaar ma cabbo.
  • Haddii sigaarku I qabto waxaan cabbi doonaa koob biyo qabow ah.

Maalmaha ugu horeeyo ee ku xiga sigaar joojinta ayaa ugu darran, markaa xaaladaha iyo meelaha qaar ayaa fiican inaad iska ilaaliso maalmahaas.

Maalin joojinta – waa inaad gebi ahaan sigaar cabidda xoojisa!

Xitaa hal mar qura ha jiidin. Dhammaan calaamadaha joojintu keento ee aad dareemi karto joojinta sigaar-cabidda kaddib, way kaa tegi doonaan –haddii aadan sigaar dambe cabin. Haddiise aad mararka qaarkood sigaarka cabto marna kaama tegi doono rabitaanka aad u qabto.

Fiiro gaar ah sii cuntada, cabbitaanka iyo dhaqdhaqaaq jirka

Toddobaadyada ugu horeeyo ee ku xiga joojinta sigaar-cabidda, waxaa dhici karto in macaanka dhiigga usan xasilanayn, sidaas darteed waxaa muhim ah in si fiican loo cunteeyo oona la cuno saacado joogto ah. Waxaa lagugu talinayaa inaad wax cunto afar wakhti-cunto oo caadi ah iyo cuntooyin u dhexeeya sida miraha iyo rootiga engegan.

Dadka qaarkood kaddib markii sigaar-cabidda ay joojiyaan waxaa sare u kaca miisaankooda. Haddii aadan doonayn in miisaankaagu uu sare kaco ka feker waxa aad sigaar-cabidda ku beddelatay.

Biyo cab markaad haraado oo cab marar ka badan intii caadiga ahayd. Labo koob oo biyo ah ayaa ku caawin kara haddii sigaarku ku qabto.

Badso dhaqdhaqaaqa jirka. Socod lugta ah ee boobsiiska ah wuxuu ka khafiifiyaa calaamadaha ka dhasha joojinta sigaarka waxaanu ka hortagaa sare u kaca miisaanka jirka.

Xaaladda adag waad ka bixi doontaa

Maalmaha ugu horeeyo ayaa ugu darran, laakin 2 -4 toddobaad gudahooda calaamadaha ka dhasha joojinta sigaarku way ka tagaan dadka badidooda. Daawooyinka nikotinka ama daawooyin kale ayaa khafiifin kara dhibaatooyinka calaamadaha ka dhasha joojinta sigaarka.

Waxa kugu dhici kara niyadjab oo waxaad ka fekeri kartaa in wax kastaa dhib iyo murugo yihiin, halka jirkaaga iyo nidaamka abaalmarinta ee maskaxdaadu u diyaargaroobayaan nolol nikotiin la’aan ah. Laakin haddii aad u adkaysato waad ka gudbi doontaa.

Abaalmarinada

Is abaalmari markaad ku adkaysato go’aankaaga. Lacagta aad sigaarka ku iibsan jirtay, waxaad ku iibsan kartaa wax kale oo aad u baahan tahay. Bilowga ayaa badi ahaan ugu darran, sidaas darteed abaalmarin ugu horraysa isa sii durba hal maalin kaddib. Abaalmarinta ku xigta muddo dheer ha sugin.

Isticmaalka daawooyinka caafimaakda ama caawimo kale

Hay`adda Agaasinka Caafimaadka [Helsedirektoratet] ee dalka Norway, waxay talo ahaan soo jeedisay in sigaar-joojinta darteed la adeegsado daawooyin iyo hagid xirfadeed. Daawada nikotinka waxay hoos u dhigta dhibaatooyinka calaamadaha sigaar-joojinta waxayna laba jibaarta ku guulaysashada. Waa muhim in la tixgeliyo qiyaasta lagula taliyay. Qaladka ugu wayn ee u qofka sameeyo markii u qaadanayo daawada nikotinka, waxaa weeyaan wuxuu qaata qiyaas ka yar tan lagula taliyay. Waydii shaqaalaha farmashiyada.

Waxaadxarunta fayoqabka ee degmada aad degan tahay ka heli kartaa hagida joojinta sigaar-cabidda. Dhakhtarka guud, NAV ama shaqaalaha caafimaadka ayaa ku gudbin karo xarunta fayoqabka, ama anaga toos noola soo xiriir.

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Arbaco, Bisha Koobaad 12, 2022