Talooyin ku saabsan ramadaanta iyo caafimaadka (Somalisk)

Waxa wacan in aan la soomin marka la qabo xanuunada qaarkood. Waa kuwan talooyin ku anfici kara xilliga ramadaanta.

Bønnekjede

Fayruska koroonada iyo ramadaanta

Waa in lagu dhaqmo xeerarka iyo talooyinka dawladda si looga hortago faafitaanka fayruska koroonada, xataa xilliga ramadaanta.

Isu imaanshooyinka dadka iyo qabanqaabooyinka

Waxa wacan in qof kasta yareeyo la jooga dadka oo isla markaana dib loo dhigo ama la baajiyo qabanqaabooyinka.

Waxa jira degmooyin cudurku ku badan yahay oo soo rogay xeerar iyo tallaabooyin ka adag kuwa degmooyinka cudurku ku yar yahay. Waxa kale oo dhici karta in xeerarka iyo talooyinku is beddelaan muddada ramadaanta. Eeg bogga internetka ee degmadaada si aad u hesho macluumaad ku saabsan xeerarka iyo talooyinka degmada.

Talooyinka iyo xeerarka heerka qaran ah

Ma wacna in ay ku soo booqdaan wax ka badan labo qof oo marti ah marka laga reebo dadka kula deggan. Arrintani waxa ay khuseysaa gudaha iyo beertaada dibedda ah ba.

Si aad u yarayso dadka aad u dhawaanayso, waxa wacan in aanad dad badan (oo kala duwan) la joogin toddobaadkii.

Halkan ka ahriso faahfaahin ku saabsan isu-imaanshooyinka gaarka ah.

Waxa wacan in dhammaan qabanqaabooyinka iyo isu-imaanshooyinka gaarka ah dib loo dhigo ama la baajiyo.

Xeerarka qabanqaabooyinka lagu qabto meel guud waxa lagu soo saaray xeer-hoosaad, oo ku xadgudubka xeerarkaas waxa lagu mutaysan karaa ciqaab.

Halkan ka eeg xeerarka qabanqaabooyinka.

Talooyinka dadka cudurka u nugul

Dadka qaar ayaa u nugul in ay si weyn ugu xanuunsadaan fayruska koroonada, waxa ay ka mid yihiin dadka nugul.  Waxa wacan in dadka cudurka u nugul ka dhex baxaan dadka kale, haddii cudurku ku badan yahay meesha ay deggan yihiin. Halkan ayaad ka akhrisan kartaa faahfaahin ku saabsan dadka cudurka u nugul iyo waxa ku haboon in ay ka yeelaan fayruska koroonada.

Haddii aanad hubin in aad ka mid tahay dadka cudurka u nugul, waxa aad la xidhiidhi kartaa dhaqtarkaaga.

Soonka

Muslimiin badan ayaa raba in ay soomaan xilliga ramadaanta. Inta badan dadka caafimaadka qaba ee waaweyn waa ay u adkaysan karaan soonka muddo xadidan, haddii ay dheefsadaan cunto iyo cabitaan nafaqo badan xilliga u dhexeeya marka qorraxdu dhacdo iyo marka qorraxdu soo baxdo.

Carruurta iyo dadka qaba xanuun-nafsadeed waa laga dhaafay soonka. Waxa iyana qofka laga dhaafay soonka haddii soonku uu sii xumaynayo xaalad xanuun ama uu kordhin karo muddada xanuunka. Waxa kale oo aad dib u dhigan kartaa ama lagaa dhaafi karaa soonka haddii aad ku jirto xaalado nololeed oo gaar ah (tusaale ahaan gaboow, uur iyo naasnuujin) iyo xaalado kale (tusaale ahaan safar dheer, shaqo jidh ahaan culays badan, marka lagu jiro gudashada waajibaad ciidan iyo maareynta xaalad adag).

Xanuunada iyo isticmaalka dawooyinka

Haddii aad xanuun qabto, waa aad iska dhaafi kartaa soonka ramadaanta haddii xaaladda xanuunku ka sii dari karto ama muddada xanuunku kordhayso. Soonka waa ay burinayaan dawooyinka laga qaato sanka iyo dalqada, laakiin haddii joojinta dawooyinku kugu keenayso halis caafimaad, waxa bannaan in dib loo dhigto ama la iska dhaafo soonka.

Taas darteed iska dhaaf soonka haddii aad xanuunsnayso ama aad qaadato dawooyinka nafta u muhiim ah. Arrintani waxa ay khuseysaa xaaladaha iyo xanuunnada ay ka mid yihiin dhiig-kar cudur dhimircudurka macaanka/sonkorowgacudurka neefta/asmadaCudurada sambabada ee yareeya hawo-qaadashada (KOLS)HIV  iyo xaalado badan oo kale

Sidan si la mid ah ayaa khuseysa dadka gaboobay ee soonku ku adkaanayo, tusaale ahaan haddii cadaadiska dhiigu yaraan karo oo markaana wareeri karaan haddii aanay biyo cabin maalin dhan.

La hadal dhaqtar haddii aad si kastaba rabto in aad soonto

Dadka qaba nabar-calooleedlaabjeex, gaaska caloosha iyo eerno furan waxa u wacan in ay la hadlaan dhaqtar haddii ay rabaan in ay soomaan.

Ciwaanno internet oo kale

Cudurka macaanka iyo ramadaanta

Soonku halis ayuu ku keeni karaa dadka qaba macaanka. Marka aad qabto xaalad caafimaad oo ka sii daraysa haddii aad soonto, waa in aad iska dhaafto soonka.

Waa suurtogal in la guto soonka inkastoo la qabo cudurka macaanka, laakiin waa in qofku markaa sameeyo dedaal iyo nidaam wacan, waxaana taas darteed wacan in aad marka hore la hadasho dhaqtarkaaga.

Si qofka macaanka qaba uga hortago in dhaawac soo gaadho caafimaadkiisa xilliga ramadaanta, waxa wacan in la raaco dhowr talooyin haddii la soomo inkastoo la qabo cudurkaas. Talooyinka waxa lala kaashaday Midowga Macaanka (Diabetesforbundet)  iyo Golaha Islaamka:

  • haddii aad dooratid soon inkastoo aad qabto cudurka, waa in aad kala tashatid dhaqtarkaaga
  • waa in aad sonkorta dhiiga u cabirto si joogtaysan – soonku ma ku burayo sidaas
  • marka aad afurayso dooro cuntooyin iyo cabitaan aan si xoog ah u kordhinayn sonkorta dhiiga

Haddii aad isticmaasho dawooyin yareeya sonkorta dhiiga, oo ay meel hoose tagto, waa in aad joojiso soonka.

Midowga Macaanka (diabetes.no), waxaad ka akhrisan kartaa talooyin wacan oo ku saabsan isu diyaarinta ramadaanta. Midowga Macaanka (diabetes.no), waxaad ka akhrisan kartaa talooyin wacan oo ku saabsan isu diyaarinta ramadaanta.

Macaanka, ramadaanta iyo koroonada

Macaanku waxa uu ka mid yahay cudurrada keeni kara in dadka waaweyn si daran ugu xanuunsadaan cudurka koroonada. Arrintani waxay gaar ahaan khuseysaa marka cudurka macaanku yahay mid si wacan loo xakamayn karin, gaar ahaan haddii qofku isla markaana qabo waxyaalo kale oo sii kordhinaya halista:

  • dhiig-kar
  • miisaan xad-dhaaf ah
  • cudurrada wadnaha iyo xididada dhiiga
  • kansar
  • cudur sambab oo soo jiitamay (kronisk)

Si gaar ah ayey muhiim u tahay in cudurka macaanka loo xakameeyo si wacan marka la eego waqtigan lagu jiro ee fayruska koroonadu jirto. Talada ku saabsan in dadka qaba cudur soo jiitamay (tusaale ahaan macaanka) laga dhaafo soonka, ayaa si gaar ah u muhiim ah sannadkan.

  • Dadka qaba macaanka waxa si weyn loogula talinayaa in ay iska dhaafaan soonka, maadaama ay arrintaasi sii kordhin karto halista ka imanaysa cudurka koroonada.
  • Maadaama da’da weyni kordhinayso halista ka imanaysa cudurka koroonada, waxa la filayaa in ay halista ku imanaysa dadka qaba macaanku sii kordhayso marka qofku weyn yahay, markaa taas darteed waxa dadka ka weyn 65 sanno jir ee qaba macaanka lagula talinayaa in ay iska dhaafaan soonka.

Uurka iyo naasnuujinta xilliga ramadaanta

Haddii aad leedahay uur ama ilmo naas-nuujiso, waxa wacan in aanad soomin. Waxaad soonka ka dhigan kartaa dhalmada kadib ama marka aad dhammayso naasnuujinta. Ilmaha waxa u wacan in aad joogtayso cunista iyo cabitaanka wax nafaqo leh.  Daraasaddo cilmiyeed oo soo baxay ma sheegin in soonka ramadaantu uu dhaawacyo caafimaad oo waaweyn u keenayo ilmaha ku jira uurka, laakiin si kastaba ma hayno aqoon inagu filan oo lama dhihi karo dhib ma leh.

Haddii aad si kastaba doorato in aad soonto, ilaali in aad cunto nafaqo badan cunto oo aad cabto cabitaan kugu filan xilliga u dhexeeya dhicitaanka qorraxda iyo soo bixitaanka qorraxda. Iska-dhaaf in aad samayso firfircooni jidheed oo lagama maarmaan ahayn xilliga maalintii. Waxa wacan in aad joojiso soonka haddii aad dareento in dhaqdhaqaaqa ilmuhu yaraado, haddii aad wareerto, daasho, lalabo dareento ama matagto. La tasho dhaqtarkaaga haddii aad soomayso. Halkan ka akhriso faahfaahin ku saabsan cuntooyinka wacan xilliga uurka.

Calaamadaha u baahan in laga feejignaado xilliga soonka

Waa aad dareemi kartaa dhib yar xilliga soonka. Laakiin waxa jira calaamado loo baahan yahay in aad si gaar ah uga feejignaato, waayo waxay calaamad u noqon karaan cudur.

  • Haddii aad dareento daal iyo wareer, waxa dhici karta in cadaadiska dhiigu hoos u dhacay waxaana wacan in aad aado dhaqtar.
  • Haddii aad dareento lalabo, wareer oo isla markaana ay kugu adkaato in aad niyadda wax siiso, waxa sabab u noqon kara inaad fuuq-baxday oo aanad cabin cabitaan kugu filan. Taas darteed cabitaan badan cab waqtiga u dhexeeya dhicitaanka qorraxda iyo soo baxa qorraxda.
  • Cabitaanka la isku yareeyo xilliga ramadaanta waxa ka dhalan kara dhagaxa kelyaha.
  • Waxa caadi ah in qofku isku arko calool-istaag, dheefshiid-xumo iyo laabjeex marka uu sooman yahay. Si arrintaas looga hortago waxa muhiim ah in la cuno cunto wacan oo nafaqo leh xilliga la cuntaynayo.
  • Dad badan ayaa dareema madax-xanuun iyo dhanjaf (migrene) xilliga ay sooman yihiin. Haddii madax-xanuunku aad kuu dhibo waxa wacan in aad xidhiidh la samaysid dhaqtarkaaga.
  • Haddii aad jimicsi samaynayso xilliga aad sooman tahay, waxa lagu talinayaa in aad jimicsato dhammaadka maalinta, in yar ka hor xilliga la oggol yahay cunitaanka iyo cabitaanka.