Faa`iidooyinka joojinta sigaar-cabidda

Joojinta sigaar-cabiddua waxay u wanaagsan tahay jirkaaga. Qaar kamid ah faa`iidooyinka joojinta sigaar-cabidda waxaa la dareemaa durbadiiba 2 0 daqiiqado kaddib.

illustrasjonsbilde

Daqiiqado kaddib joojinta sigaar-cabidda

20 daqiiqado kaddib joojinta sigaar-cabidda

2 0 daqiiqado kaddib waxay heerarka cadaadiska dhiigga iyo garaaca wadnuhu ay noqdaan kuwa caadi ah. Dadka sigaarka caba waxay badi ahaan gacmaha iyo cagaha ka dareemaan qabow, laakin imminka waxaad dareemi doontaa in kulaylkii kuu soo noqday.

Waxaad meesha ka saartay arrin sababi wayn u ah in laablaabku ku soo degdego wejigaaga. Mar dambe uma baahnid inaad ka werwertid maadooyinkii sunta ahaa ee aad nuugi jirtay markastoo aad sigaar cabtid.

Saacadaha ku xiga joojinta sigaar-cabidda

8 saacadood kaddib joojinta sigaar-cabidda

8 saacadood kaddib markaad joojiso sigaar-cabidda waxaa hoos u dhaca heerka karboon-hal-ogsaydh ee dhiigga ilaa kuna dhowaada heer caadi ah. Molikiyuulada ogsijiinka ayaa markaa boos dheeraad helaya, islamarkaana heerka ogsijiinka dhiigga ku jiraa caadi buu sii noqonayaa.

Waxaad dareemi doontaa hoos u dhaca heerka daalka aad berri hore dareemi jirtay, waxaana mar kasta oo aanad hal sigaar cabbin aad muddada noolashaada ku kordhin doontaa 5 -7 daqiiqado.

24 saacado kaddib joojinta sigaar-cabidda

Waxaa bilaaban doono hoos u dhaca halista in wadne-qabad kugu dhaco. Haddii aad maalin kasta cabbi jirtay hal baako oo sigaar ah waxaad kaydsatay boqol karoon.

72 kaddib saacado joojinta sigaar-cabidda

Sambabadu way ka soo fiicnaanayaan sidii hore waxaana kordhayaawooda sambabada.

Rabitaanka maaddada nikotiinka iyo calaamadaha dhibaatooyinka joojinta waxaa dhici karto in imminka ay adag tahay, laakin haddii aad u adkaysato way ku fududaan doontaa dhawr maalmood kaddib. Dhibaatooyinku waxay caadi ahaan kaa tagayaan dhowr toddobaad ka dib.

Toddobaadyo kaddib marka aad sigaar-cabidda joojiso

2 –12 toddobaad kaddib joojinta sigaar-cabidda

Wareegga dhiigga iyo awoodda sambabada ayaa imminka in badan ka wanaagsan sidii hore oo waxa qofku dareemaya inuu hadda dhaqaaq degdeg ah u samayn karo si ka fudud sidii hore. Heerka wareegga dhiigga ayaa u kordhay xitaa laf-dhabarka, waxaana markaa hoos u dhacay halista dhibaatooyinka dhabarka.

Maqaarkaagu wuxuu hadda soo ceshaday midabkii guduudnaa ee caafimaadka qabay. Waxaa hoos u dhacay halista cudurrada cirridka ku dhaca waxaana sare u kacday fursadda ka bogsashada cudurradaas. Dareennadii dhadhanka iyo urta ayaa dib u soo noolaaday, waxaana aad dareemi doontaa in cuntada iyo cabbitaanku ka macaan yihiin sidii hore.

Haddii aad qof dumar ah tahay waxaa sare u kici doono fursadda aad uur ku yeelan lahayd.

Wareegga dhiiggaaga ayaa ka fiicnaaday sidii hore. Haddii aad nin tahay, waxaa dhici karta kicitaanka gusku ka wacnaado sidii hore.

Bilooyin kaddib marka aad sigaar-cabidda joojiso

4 –6 bilood kaddib joojinta sigaar-cabidda

Timaha hawo-mareenka ayaa imminka dib ugu soo kabsaday, waxayna imminka ku hawlan yihiin nadiifinta sambadada. Waxaa kaa yaraaday qufaca iyo xabka.

Jirka wuxuu ku mashqulsan yahay dayactirka waxyeellada sigaar-cabida ay xididdada dhiigga u geysatay. Waxaa imminka aad hoos u dhacay halista xinjir-awdka oo ka yar waagi aad sigaar cabi jirtay.

Waxaay u badan tahay inaad hadda dareemayso in jidhkaagu ka fudud yahay sidii xilligii aad sigaarka cabi jirtay.

Sannado kaddib joojinta sigaar-cabidda

1 sano kaddib joojinta sigaar-cabidda

Wixii hadda ka dambeeya ma tihid qof aan ka maarmi karin nikotiinka.

Waxaad imminka kala bar hoos u dhigtay halista ciriiriga xididdada dhiigga iyo wadne-qabadka. Waxaa sii wacnaaday heerka difaaca jirkaaga, waxaana kuu sii fududaaday inaad iska difaacdo hargabyada iyo cudurrada kale.

Heerka halista in aleerjiyada iyo cudurrada kale ee marinada neefsashadu kugu dhacaaan ayaa in aan yarayn hoos u dhacay.

Jirkaagu si sidii hore ka dhaksho badan ayuu imminka u bogsiin karaa nabarrada caloosha, sidoo kale waxaa hoos u dhacay halista ah in nabarka calooshu mar kale kugu soo laabto .

Sannadkii ugu dambeeyay waxaad ka badbaaday kumanyaal maaddooyin sun ah. Qaar badan oo ka mid ayaa cudurka kansarka sababa.

Haddii aad maalin kasta cabbi jirtay baako 20 sigaar ah, waxaa:

  • kuu badbaaday 1 000 saacado oo sigaar-cabidda ku lummi jiray
  • ​waxaad iska dhaaftay cabbida 5 000 oo sigaar ah

5 sano kaddib joojinta sigaar-cabidda

Sidii berri hore halis dheeraad ugu ma jirtid in dhiigbaxa maskaxda u kugu dhaco.

Haddii unugyada jirkaaga ay ku sugan yihiin xaalad uu cudurka kansarku ku soo socdo, imminka fursadda way ka fiican tahay inaad ka bogsato. Heerka halista in uu kansar kugu dhaco aad ayuu hoos u dhacay imminka:

  • afka
  • cune
  • dhuunta
  • kaadihaysta
  • kelyaha
  • dhuunta ilmogaleenka
  • qanjirka ganacda

Haddii aad cabi jirtay 20 sigaar maalintii, waxaad hadda joojisay cabbista ku dhowaad 35 000 oo sigaar ah.

10 sano kaddib joojinta sigaar-cabidda

Waxaad kala barkii hoos u dhigtay halista in uu kugu dhaco cudurka kansarka ee sambabaha ku dhaco.

Haddii maalin kasta aad baako 20 xabo sigaar ah cabbi jirtay waxaad:

  • imminka faa’iday wakhti hal sano u dhigma oo ku bixi jiray sigaar cabbida
  • waxaad iska dhaaftay cabbida ku dhawaad 70 000 oo sigaar ah

Heerka caafimaadkaaga ayaad kor u qaaday in aan yarayn. Haddii aad kaydsato lacagtii berri hore aad sigaar ku iibsan jirtay, waxaad 30 sano gudaheeda kaydsatay boqolaal kun oo karoon ah.

Fact sheet about health benefits of smoking cessation, WHO 

The Health Consequences of Smoking—50 Years of Progress: A Report of the Surgeon General. U.S. Department of Health and Human Services, Centers for Disease Control and Prevention, 2014. 

Brunnhuber et.al: Putting evidence into practice: Smoking cessation, BMJ group 2007 

The Health Benefits of Smoking Cessation: A Report of the Surgeon General, U.S. Department of Health and Human Services, Centers for Disease Control and Prevention, 1990 

North D. og kolleger: Guidelines for Smoking Cessation, New Zealand 2002 

Glantz S.: Tobacco Biology & Politics, USA 1992 

Nikotinavhengighet – medisinsk-biologiske forhold, Dybing E., og T. Sanner, Tidsskriftet Den norske legeforening, 2002 

Immune function in cigarette smokers who quit smoking for 31 days, Meliska, CJ, ME Stunkard, DG Gilbert, RA Jensen, JM Martiko, The journal of allergy an clinical immunology, 1995 april 95 (4):901-10 

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Isniin, Bisha Koobaad 03, 2022