Turjumaanka adeegyada caafimaadka

Macluumaadka ku saabsan caafimaadkaaga, cudurkaaga iyo daawayntaada waa in laguugu sheego af aad fahmaysid. Haddii ay kugu adag tahay inaad fahantid ama aad ku hadashid af-norwiijiga, waxaad xaq u leedahay turjumaan ku hadlaya afka aad doorbidayso.

Yaa xaq u leh turjumaan?

Haddii aadan fahmaynin waxa lagu sheegayo ama aadan sheegi karin waxaad u baahan tahay, waxaad xaq u leedahay turjumaan ku hadlaya afka aad doorbideyso. Xaq ayaad u yeelan kartaa turjumaan xataa haddii aad sidaada kale ku hadashid af-noorwiiji.

Yaa dalbanaya turjumaan?

Goobaha adeegga caafimaadka ayaa mas'uul ka ah inay dalbadaan turjumaan aqoon leh.

Way adkaan kartaa in la ogaado in turjumaan loo baahan yahay iyo in kale. Shaqaalaha caafimaadka ayaa caadi ahaan qiimeeya in turjumaan loo baahan yahay iyo in kale. Adna waad sheegi kartaa haddii aad u malaynayso in turjumaan loo baahan yahay, tusaale ahaan marka aad ballan samaysanaysid. Waxa kale oo aad wici kartaa goobta adeegga caafimaadka oo waxaad ka codsan kartaa in ay dalbadaan turjumaan ku hadla afkaaga.

Turjumaanka fiidyowga ama talefoonka ayaa mararka qaarkood beddeli kara turjumaan goobjoog ah.

Xeerka Turjumidda ayaa dhigaya in hay'adaha dawladda ay waajib ku tahay inay isticmaalaan turjumaan aqoon leh.

Yaa turjumaan noqon kara?

Turjumaanku waa inuu noqdaa qof haysta waxbarasho turjumaanimo .

Carruurtu ma noqon karto turjumaan. Qaraabada kale ama dadka aan lahayn tabobbar turjumaanimo kuma habbona inay beddelaan turjumaan aqoon leh.

Maxaad u baahan tahay inaad ilaaliso markaad isticmaalayso turjumaan?

Waa muhiim inaad goobta adeega caafimaadka si sax ah ugu sheegtid afka aad doorbidaysid.

Marka turjumaan loo dalbadaday wadahadalka, waa muhiim inaad timaado wakhtiga lagu ballamay. Haddii aanad iman karin wakhtiga lagu ballamay, waa inaad ballanta baajiso ugu yaraan 24 saacadood ka hor xilligeeda. Haddii kale, waa inaad bixiso kharashka ballanta. Weliba aad bay muhiim u tahay inaad arrintan xasuustid marka turjumaan la dalbadaday.

Waa maxay turjumaan, oo waa maxay waajibaadka turjumaanku?

Turjumaanka waxaa saaran waajibaadka xog-qarinta, oo waa inuusan cid kale u sheegin waxa uu ka maqlay wadahadalka uu turjumay.
Turjumaanku waa inuu turjumo keliya wixii la yidhi, mana bixin karo talooyin ama ma sheegi karo ra'yigiisa. Turjumaanku waa in uu ahaado dhexdhexaad ah oo aanu cidna la safan.

Wadahadalku wuxuu ka dhexeeyaa adiga shaqaalaha caafimaadka. Markaa wixii su'aalo ah oo dhan ku hagaaji shaqaalaha caafimaadka, ha ku hagaajin turjumaanka.

Yaa bixinaya kharashka turjumaanka?

Turjumaanku waa u bilaash bukaanka/isticmaalayaasha adeegyada caafimaadka. Waxa ka reeban marka aad u tagayso dhakhtarka ilkaha oo adigu aad iska bixinaysid kharashka daawaynta ilkaha. Markaas oo kale waa inaad sidoo kale bixisaa kharashka turjumaanka.

Cabasho ayaad ka gudbin kartaa

Haddii aadan helin turjumaan, inkastoo aad aaminsan tahay inaad u baahan tahay, waxaad cabasho u gudbin kartaa xarunta aad bukaan/isticmaale ka tahay. Waxa sidoo kale u caban kartaa gudoomiyaha gobolkaaga (statsforvalteren),Ilaaliyaha danaha bukaankaama Ilaaliyaha sinnaanta iyo ka hortagga takoorka.

Haddii aadan ku qanacsanayn turjumaanka, waxaad arrintan uga caban kartaa goobta aad bukaan/isticmaale ka tahay.

Tolkeloven. 2021. Lov om offentlige organers ansvar for bruk av tolk mv. av 2021-06-11 nr 79.

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Jimco, Bisha Tobnaad 28, 2022